Hot Topics

Maxaan ka og nahay Falaagada Frud Ee reer Jabuti?

Waxaa la aasaasay 1991-dii, waxaana la sheegay in loo aasaasay danaha dadka Canfarta ah ee ku nool dalka Jabuuti.

Jabhadda ayaa waxaa la sheegaa inay haysato taageerayaal ku nool dalka dibaddiisa.

Sannadkii 1994, kooxdu waxay u kala jabtay laba garab: garab qunyar socod ah oo uu hoggaaminayay Cali Maxamed Daa’uud, kaas oo heshiis nabadeed 26 December 1994 dowladda kula saxiixday magaalada Adiis Ababa, halka garabkii kale ee uu hoggaaminayay Axmed Diini Axmed uu ku gacan sayray heshiiskaas, kaas oo sii ahaa mid hubeysan oo ku dhawaaqay iska caabin.

Khalalaasihii dhacay sannadkii 1994 waxaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 1,000 qof.

Ka dib waxa billowday kacdoon cusub oo ka dhan ah dowladda Jabuuti, iyada oo jabhadda lagu eedeynayay in ay taageero hub ka helaysay Ereteriya si ay u gooyaan marinnada saadka ee Jabuuti ilaa Itoobiya oo aan bad lahayn, gaar ahaan intii uu socday dagaalkii Eritera iyo Itoobiya. Kacdoonkaas waxa uu sababay dhimashada 100 qof.

“Bishii Maajo 2001, koooxdii ka goosatay FRUD waxay heshiis nabadeed la saxiixatay dowladda balse koox saddexaad oo heshiiskaas ka hartay ayaa hadana sii wadda dagaalka ay leeyihiin waxaan ku rabnaa isabadal dimuqraadiyadeed iyo caddaalad,” ayuu BBC-da u sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Geelle.

“Waxay ila tahay jabhaddan aysan ku qanacsanayn heshiiskii dowladda ay la galeen kooxihii kale ee ay ka goosteen si la mid ah heshiiskii siyaasadeed ee aan annagu dowladda la galnay ee aannu ugu qanacsanayn oo runtii ay nagaga baxday,”Ayuu sii raaciyay.