Hot Topics

Gudoomiyihii Degmada Qoryooley oo Qarax lagu dilay

Sayid Cali Ibraahim iyo askari ka mid ah ilaaladiisa,ayaa ku dhintay qarax oo la sheegay inu ka dhacay meel aan ka fogayn makhaayad u dhow Bundada Degmada Qoryooley.

Guddoomiyaha,ayaa hoggaaminayey Degmada Qoryooley muddo dheer, waxaana u suurtogashay in Ciidan Boolis oo degaan ay degaankaas gacanta ku hayaan muddadaas, amnigeedana ilaaliyaan.

Mas’uuliyadda dawlada Somaliya,ayaa cambaareeyey dilkan.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka, balse rurka Al-Shabaab,ayaa inta badan sheegta qaraxyada lala beegsado mas’uuliyiinta Somalida.