Hot Topics

Xaalka Somaliland Oo maraya Allow sahal Amuuraha.!!

Kulankii uu ka balanqaaday Beesha caalamka ee ay ahayd in uu qabsoomo Maanta,waa baajiyay Muuse Biixi.

13-ka Nov waa Maalinka ay ku eg tahay mudo xileedkii sharciga ahaa ee ay haysatay Dowladiisu,waana muuqata in aysan dhacayn Doorasho.

Dhankiisa,waxaa u abaabulan Labo sano oo mudo kororsi ah iyo qabashada tartanka Ururada Sagaalka Bilood ee soo sicda gudahood,waxuuna sheegay in durbaba ay isdiiwaangelisay Sagaal Urur.

Gudiga doorashadu weli ma samayn Xeerka tartanka Ururada oo majiro nidaam heshiis lagu yahay oo tartan lagu qaban karo.

Mucaaradka”

Faysal wax weyn mahayo oo xataa dhaqaale iyo cududba,waxaa Gacanta ku haya Cirro iyo Xisbigiisa.

Waxa kaliya ee Faysal hada macno ku leeyahay waa in uusan ugelin Kulmiye,taana,waxaa sabab u ah in uu arkay Muuse oo raba in uu kaba saaro Siyaasada Xisbigiisii uu ugu shaqaysan jiray sida NGO-ga.

Cirro waa awooda Mucaaradka ee xiligan,waxuuna ka diyaar garoobay Sadex jiho oo kala ah…

1.Wajiga hore loolan Siyaasadeed,Saxaafadeed,Bulsho kicin iyo tusid Beesha Caalamka Muuse Biixi si loogu khasbo in uu Doorashada Madaxtooyada ku qabto 9-ka Bilood ee soo socda gudahood.

2.Wajiga xiga 13-ka Nov oo lagu dhawaaqo in aysan SL Dowlad lahayn haysata Sharciyad si cadna looga hor yimaado.

3.Wajiga ugu danbeeya oo ah Cudud Ciidan,waxuuna Buuraha Berbera udhow ku diyaarsaday 500-Maleeshiyo oo Saadkoodii udhamaystiran yahay,iyadoo ilaa 2000 oo kale qoristoodii socoto.

Beelaha”

Habarjeclo waxay taagan tahay yaanan ku dhex lumin ee aan sugno hadii Habar-yoonis difaacato Kursigeeda iyo hadii Muuse ka adkaado.

Habar Awal Muuse ayay ku gowracan tahay mana jirto cid ka hor imaan karta oo macno leh.

Beelaha kale ee Isaaq waxay noqdeen Dadka laysku haysto.

Somaliland”

30-sano kadib iskadaa in ay ictiraaf udhawaatee maleh Dowlad Sharciyad haysata,waxaana dib loo abaabulay Maleeshiyo Beeleedkii.

Dhaqaaluhu Dhulkuu yaalaa oo sicirbararka,shaqo la’aanta iyo Nolol xumadu waa Toban jibaarantay 5-tii sano ee Muuse hogaaminayay.

Ugu danbayn xaalku SL waa Allow sahal Amuuraha.!!

Jibril Qoobey.