Cabdi-yare Oo diidan wareejinta Baabuur Booliska PL leeyahay

Waxaa jira Mashruuc ay maalgeliso hay’ada UNDP oo lagu taageero Booliska Puntland.

17-Gaari ayay UNDP gudoonsiisay Booliska Puntland xiligii uu Talyaha ka ahaa Cabdi-yare.

Gaadiidkaas mid ka mid ah oo Saldhiga Degmada Garowe uu lahaa,ayuu la haray markii xilka laga qaaaday oo uusan wareejin Cabdi-yare.

Waxaa jiray heshiis ay wada galeen UNDP iyo Booliska oo ahaa in Gaadiidkaas la dhowro.

Haatan UNDP waxay keentay Afar Baabuur oo kale,Mid Miino-baar iyo Laba Saldhig dhismahood,waxayse ku xirtay Shuruud wareejintooda,taasoo ah in Baabuurka Cabdi-yare haysto lasoo celiyo.

Taliska cusub ee Booliska,ayaa la xiriiray Cabdi-yare una bandhigay xaalka taagan kana codsaday si aan Gawaaridaas iyo Saldhigyadu ubaaqan in uu Gaariga soo wareejiyo.

Balse waa ku Gacansayray codsigii hogaanka Booliska,waxuuna ubadalay in Madaxweyne Deni usoo diray ujeedo gaar ahna layga leeyahay.

Ma’ahan markii ugu horaysay oo uu Baabuur nidaamku leeyahay lunsado hadhowna ubadalo Qabiil iyo ujeedo kale.