Hot Topics

Faahfaahin Qaraxa ka dhacay Magaalada Bosaso goordhawayd

Bam Gacmeed ayay ku dhufteen Albaab ka mid ah Baakhaarada Ganacsiga oo ku yaal Aaga Xaramayn Bosaso laguna magacaabo Axmed Al-mahdi.

Majiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Bamkaas.

Xaalada Aaga wax ka dhaceen waa degan tahay.

Tuuryadan waxay u eg tahay Laba arimood mid in ay tahay..

1.Waxaa dhamaaday 3-biloodkii ay Daacish ka qaadi jirtay Ganacsatada qaarkeed Lacagaha baada ah,Ganacsigii diidana ay hujuumaan marka hore.

2.Khal-khalgelin Diiwaangelinta 5-ta Bisha ka bilaababanaysa Gobolka Bari.

Si kastooy tahay Laamaha amaanka Puntland si weyn ayay u feejigan yihiin.

Jibril Qoobey.