Hot Topics

Faallo:-Laftagareen waxuu ka mudan yahay reer Puntland garabgal

Laftagareen sida uu ku yimid Kursiga hogaaminta Koonfur-galbeed waxay ahayd mid foolxun oo Dhiig Shacab ku daatay.

Balse waxuu muujiyay hogaamin qurxoon iyo isbadal muuqda mudadii uu talada hayay.

Haatan ma samayn in uu ilaaliyo mudo xileedkiisii Sharciga ahaa oo waa bura dheeraystay Wado walba uu umaray.

Waxay ku qurxoonayd in uu qabto doorasho kuna soo baxo xataa haduu rabo wax ha isdaba mariyee.

Si kastooy tahay reer Koonfur-galbeed deganaanshaha,ayaa umuhiim ah iyo ilaalinta midnimadooda.

Wada xaajoodku waa Dimuqraadiyada qayb ka mid ah.

Hadaan nahay reer Puntland Anagoo ilaalinayna xiriirka Shacabka caadiga ah ee reer Koonfur-galbeed si waadixa uguma dhex muuqan karno khilaafkooda.

Balse Siyaasiyada ka baxsan inta Shacabku ogaan karo waa in Dowlada iyo Saxaafadu garab istaagtaa Laftagareen.

KG,waxaa ka socda loolan udhaxeeya Siyaasiyiinta la dhacsan ku xirnaanta Siyaasiyiinta Beesha Hawiye iyo kuwa diidan ku xirnaantaas.

Damjadiid+ Daljir oo udhigma Hawiye Power waxay ka duulayaan Somaliya in ay noqoto SL,PL iyo Bartamaha iyo Koonfurta oo uu ka jiro Hawiye Power,qorshahaasnu waxuu mudan yahay fashilin.

Jibril Qoobey.