Hot Topics

Video:-Madaxweyne Xasan oo si Odaytinimo leh uga hadlay dagaalka Baydhabo

Si Odaytinimo leh oo masuuliyad ku dheehan tahay muujinaysana in waxa ishayaa ay yihiin reer Koonfur-galbeed,ayuu Madaxweynuhu uhadlay.

Waa jirtaa in uusan la dhacsanayn Laftagareen oo uu jeclaan lahaa in uu meesha kabaxo,kooxihiisa ku wareegsana abaabulayaan wax la yiraahdo KG ka jirto Hawiye Power, hadana dagaalka Siyaasadeed Shacabka ma tusin.

Hardanka Siyaasadu waa in uu ka socdaa gudaha Xaafiisyada oo aysan Bulshada caadiga ah ku jahwareerin.

Ka hadal fiican,ka Odaysan,ka fahan fiican kana Dimuqraadiyaysan Fahad iyo Dowladii uu Mulkiyadeeda lahaa.

Sida xoguhu sheegayaana Madaxweynaha Fadaraalku kala dhexgalay Labada dhinac ee Dowlada iyo Mucaaradka KG.

Fariin fiican,ayuu udiray Bulshada reer Koonfur-galbeed.

Halkan ka daawo muuqaalka