Sh.Shariif,Cumar Cabdirashiid,Gaas iyo Khayre oo baaq wadajir ah soo saaray

Siyaasiyiin kasoo qabtay xilal ka duwan heerarka Dowladnimo ee Somaliya,ayaa baaq kasoo saaray dagaalkii ka dhacay Baydhabo.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan kuna qancaan in xalku yahay in Koofur galbeed laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay,sidoo kale waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneynaa in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtana muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac.”

Madaxweynihii hore Sh.Shariif,Ra’isalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid,Madaxweynihii hore ee PL Cabdiweli Gaas iyo Ra’isalwasaarihii hore Xasan Xali Khayre,ayaa baaqan si wadajir ah usoo saaray.

Halkan ka akhriso:-