Hot Topics

Shiinaha oo si weyn uga carooday talaabo uu qaaday Maraykanka

Shiinaha,ayaa si xooggan u dhaleeceeyay tallaabada uu Mareykanka uu sare ugu qaaday kaalmada Militeri uu siinayo Taiwan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha,ayaa sheegay in arrintani ay dhaawac weyn u geysatay amniga iyo xasiloonida ka jirta Jasiiradda Taiwan.

Dhaleeceynta Shiinaha ee Mareykanka,ayaa timid,iyadoo jawaab u ah xeerka kharashaadka Gaashaandigga ee Mareykanka kaasoo ogolaanayo in Toban Bilyan oo dolar loogu deeqo Taiwan si looga taakuleeyo Amniga iyo Hubka.

Wasaaradda Arrimaha Gaashaandhigga Taiwan,ayaa bogaadisay xeerkan,isla markaana sheegtay in uu muujinayo in muhiimadda uu Mareykanka siinayo sare u qaadidda amniga Jasiiradda Taiwan.