Hot Topics

Madaxweyne Deni oo ujawaabay Madaxweyne Xasan Shiikh

Qodobadii kasoo baxay Shirkii Xamar ee Wadatashiga Qaran,ayuu dul istaagay qeexayna mowqifka Dowlada Puntland.

“Laba Qodob,ayaanan wax ka saxiixin Warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkaas,kuwaasoo kala ahaa sida Garsoorkeenu noqonayo iyo Maamulka Dowladeed ee Fadaraalka iyo heer State”Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Garsoorka,waxaan ka rabnaa in uu noqdo mid madax banaan oo ku fadhiya xeerarkeena iyo Dastuurkeena balse waxaa meesha la keenay wax khilaafsan Dastuurkeena,waana diiday in aan saxiixo oo awoodayda Dastuuriga ah,ayaan ii ogolayn,waxaana go’aansaday in aan idin kula soo laabto.”Ayuu yiri M.Deni.

“Qodobka Labaad waa sida uu noqonayo heerarka Maamul Dowladeed ee Dalka,waxaana Shirka la keenay wax ka duwan waxaanba filaynay oo waxaa lasoo diyaarsaday wax ku celinaya Dalka awoodii Dhexe kana hor imaanaya Fadaraalkii iyo Dastuurkii”Ayuu yiri Deni.

“Beri,ayaan soo saaraynaa Warqad aan ku cadaynayno mowqifkeena kadib wadatashi aan samaynay”Ayuu yiri markale M.Deni.

“Dowlada Fadaraalka,waxaan kula shaqaynaynaa waxa uu qabo Dastuurka Puntland iyo kan Fadaraalka”Ayuu yiri M.Deni.

Jibril Qoobey.