Hot Topics

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso ayaa sheegaya in Qarax geystay khasaare uu ka dhacay goob lagu cuno Qaadka (qayilo) oo ku taalla Boosaaso,

Qaraxa oo ahaa miino lagu aasay dhulka ayaa sida la xaqiijiyay waxaa ku geeryooday hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale oo kamid ahaa dadkii goobta ku sugnaa oo isugu jiray askar iyo shacab.

Laamaha amniga oo goobta soo gaaray ayaa wada baaritaan. Mana jirto cid sheegatay inay ka dambeeyeen qaraxan oo kusoo aadaya xilli la adkeeyay maalmihii u dambeeyay amniga Boosaaso oo todobaadyo uu joogo Madaxweynaha Puntland.

Kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa horey uga geysan jiray qaraxyada noocan oo kale ah Boosaaso, balse amniga magaalada ayaa soo hagaagayay dhowaanahan.