VIDEO: Puntland oo Awaamiir kusoo rogtay gaadiidleyda Gaalkacyo

Taliska Ciidanka ilaalada nabadgelyada waddooyinka (Taraafiko) ee gobalka Mudug – Puntland ayaa ku dhawaaqay awaamiir cusub oo la xiriirta sugida amniga, waxaana ay digniin u direen dadka gaadiidka isticmaala ee kunool Gaalkacyo.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Gaalkacyo, Taliyaha Ciidanka Taraafikada ee gobalka Mudug Cawil Maxamed Cigaal ayuu ku sheegay in ay mamnuuc tahay in gaadiid leh bacaha madow ama taariko la,aanta ah aan lagu dhex wadan karin magaalada Gaalkacyo.

Taliye Cawil Cigaal ayaa uga digay gaadiidleyda in ay u hoggaan sami waayaan awaamiirta ay soo saareen oo muhiim u ah sugida amniga Gaalkacyo, isagoo xusay in ciddii qaadan wayday ay sharciga marin doonaan, lana saari doono ganaax.