Hot Topics

VIDEO: Somaliland oo war kasoo saartay dagaalka Laascaanood

Taliska Ciidanka Somaliland ayaa ka hadlayay qabashashada ciidamada deegaanka ee SSC ee xerada Guulwadayaasha oo ay degnaayeen ciidamo katirsan maamulka Hargeysa oo uu horkacayay Taliyaha Somaliland ugu magacaaban aaga Sool, Gen. Mahad Cambaashe.

Isagoo saxaafadda kula hadlayay Hargeysa Madaxa howlgelinta ciidamada Milateriga Somaliland, ayuu sheegay in weerarkaas ay fuliyeen dabley hubeysan oo ay dabadda ka riixayaan Al-Shabaab iyo Puntland. Waxaa uu intaa ku daray in ay is difaaceen ciidamadooda, halka dhanka kalena ay ilaalinayaan xabad-joojinta ay ku dhawaaqeen.