Hot Topics

Faallo: Puntland oo diiday qorshe halis ku ah nidaamka Federaalka

Wasaarada Waxbarashada Fadaraalku waxay miisaaniyadeeda ku darsatay Mushahaarka Macallimiin dhan 3000.

Macallimintaas waxay udiyaarisay hanaan ay kusoo xulanayso,kuna diiwaangelinayso,kuna siinayso Mushahaarka.

Puntland markii loosoo gudbiyay hanaankaas waa ka biyo diiday,iyadoo doodeeda ku salaysay Dastuurka iyo heshiisyadii jiray…

1.3000-kun ee Macallin,waxaa laga siiyay 400 oo waa ka biyo diiday.

2.Dalku waa Fadaraal ee mahan hanaan Dowlad Dhexe,sida loo qorayo Macallimiintan,waxay baalmarsan yahay Dastuurka Dalka.

Faarax Sh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada Fadaraalku,waxuu rabaa in Macallinka jooga Caluula laga qoro,lagala soo xisaabtamo,lagana siiyo mushahaarka Xamar.

Khaladkiisa,isagoo boor ku qarinaya,ayuu isku dayay in PL eeda saaro iskuna muujiyo Qof dadaalaya balse lala shaqayn la’a yahay.

Dalku waa Fadaraal ee ma’ahan Dowlad dhexe oo Hal Magaalo looga arimiyo waxna lagu qaybsado.

Doodan,waxaa qabta Wasaarada Waxbarashada Puntland.

La soco qaybta xigta.

Jibril Qoobey.