Hot Topics

Ciidamada SNM Ee Muuse Biixi oo isu diyaarinaya weerar xoog leh oo ay ku qaadaan Laascaanood

Ciidamada SNM ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi waxay qorshaynayaan weerar abaabulan oo laba waji leh…

1.Dagaal toos ah oo ay kusoo qaadayaan Magaalada,iyagoo culayska ugu badan saari doona difaacyada Ciidamada kasoo gurmaday Mudug.

2.Dilal qorshaysan oo ay ku dilaan haldoorka ay ugu maqaam sareeyaan Garaadada.

Qorshaha dilalka qorshaysan ee SNM waa in ay adeegsadaan Qof reer Sool ah kana soo jeeda Beelaha Gobolka mid ka mid oo Beel kale oo isla reer Sool ah wax ka tirsanaysa.

Tusaale”

Waxaa la dili karaa Garaad Jaamaca/Jaanac Siyaad,iyadoo Gacanta uu gaysan karo Qof kasoo jeeda Ugaar-yahan reer Cilmi,taasoo keeni karta in uu ku burburo midnimadii dagaalka ka dhanka ah SNM.

Hadafka SNM waa in ay ugu yaraan hadaysan qabsan karin LC naafeeyaan cududa Ciidamada difaaca Sool,gaar ahaan waxaa yool u ah kuwa reer Mudug,sida laga helayo gudaha Ciidankooda.

Way dhici kartaa in ay maalinka berri foog ah soo qaadaan weerarkaas ama ka horaysiiyaan ama ka danbaysiiyaan.

Jibril Qoobey.