Hot Topics

Puntland maxay ku lumin kartaa ka maqnaanshaheeda Shirka Baydhabo?

Sadexda Qodob Shirka Madasha Bartamaha iyo Koonfurta Dalka marnaba PL qayb kama noqon karto.

Amniga?

Ma jiro haba yaraatee Saad Amni oo Xamar uga yimaada PL.

Majirto Qalab iyo Gaadiid Amni oo Xamar usoo mara PL.

Majirto Mushahaar,Guno iyo tababar Ciidan oo Xamar uga xiran Puntland.

Majiro qorshe,hogaan iyo xog amni oo ka dhaxeeya PL iyo Xamar.

Midaynta Canshuuraha?

Puntland kuma wareejinayso Ilaheeda dhaqaale Dowlad aan laysku halayn karin oo aan masuul ahayn.

Dastuurkeeda,ayaa uqeexaya awoodaha ay ku wareejin doonto Dowlada Fadaraalka marka lays waafajiyo Labada Dastuur oo la qabyo tiro kan Fadaraalka.

Puntland habayaraatee majiri karo caqli saliim ah oo ku khasbi kara in ay Canshuuraha kala midowdo Xamar xiligan.

Doorashooyinka?

Puntland waxay leedahay Dastuur uqeexaya mudo xileedka hay’adaheeda Dowladeed.

Sidaa daraadeed mudo doorashadeeda waa Dastuuri aan ku xirnayn meel kale.

Lama mid ah Maamulada halka magaalo oo nidaamkoodu ku urursan yahay Halka Xaafiis saamayna ay ku yeelan karto Villa Xamar.

Isku soo wada duuboo PL ka maqnaanshaheeda Shirka Baydhabo waxba uma dhimi karo.

Jibril Qoobey.