Qodobada kasoo bixi doona Shirka Baydhabo Ee Madasha B&K Dalka

Warmurtiyeedka Shirka Madasha Baydhabo ee Bartamaha iyo Koonfurta Dalka,ayaa maanta lasoo saarayaa.

Qodobada kasoo bixi doona,waxaa ka mid ah…

1.Baaq xoojin iyo dardargelin ah oo ku aadan dagaalka argagixisada.

2.Is afgarad ku aadan midaynta Canshuuraha.

3.Doorashooyinka oo laga dhigayo Galmudug,Hirshabelle iyo JL Dec 2024,halka KG ay noqon doonto Jan.2024.

Dhamaan Qodobadan waxay ubaahan yihiin hirgelintooda Somali midaysan iyo Dastuur qabyo tiran.

Sidii la filayay Shirkan,waxaa macno tiray maqnaanshaha PL,waxaana laga ilaalshay oo kaliya in uu fashilmo oo lagu soo kala dareero.

Warmurtiyeedka kasoo bixi doona Shirkan kama duwanaan doono Waraaqo lagu sii qoray Imtixaan tijaabo ah.

Jibril Qoobey.