Hot Topics

Maxaa hortaagan in maamulka Jubaland Gobolka Gedo ka shaqeeyo?

GOORMAAD WAX GARATAAN

Ujeedada laga leeyahay dagaalka lagula jiro Shabaab ma ka duwan tahay middii laga lahaa Maxkamadaha Islaamiga ah ee markii dambe Shabaab u xuub siibtay.

Waxaan ognahay in aasaaska Maxkamadaha Muqdisho aysan ka dhalan mukhlisnimo iyo niyad wanaag loo qabo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee looga dan lahaa in lagu maareeyo dilalka, dhaca, kufsiga, boobka iyo dulmigii xad dhaafka ahaa oo ka dhex socday dagmooyinkii Muqdisho oo beel beel loogu habsaday oo marakan dulmigii iyaga harqiyey oo har iyo hoyaad u diidey ayaa waxay damceen iney diinta Islaamka ka dhigtaan “AALAD BEELAHA HAWIYE LAGU KALA CELIYO”.

Waad xasuusataan Maxkamadaha waxay ku bilowdeen xaafad xaafad ( Like a neighborhood watch ), oo beelwalba meeshii ay taabsatay maxkamad looga dhawaaqday sida Maxkamadda Reer Xaaji Saleemaan, Maxkamadda Beesha Cayr iyo wlm.

Hadda iyo dan, waxaan ka cabsi
Qabaa in dagaalka macawisleyda Beesha Xawaadle ku bilowdey fal celin la mid ah tii lagu asaasay maxkamadihii Muqdisho ay isu bedelaan ama ka dhashaan xoogag beeleed la mid ah Ahlu Sunna Wal Jamaacah oo la mid ah mas madaxyo badan ama xoog beeleed cusub (new clan militias).

Waa iga su’aale, maxaa ka dhalan doona ciidan beeleedka Gedo lagu uruursanayo, yaase taakulaynaya oo gadaal ka taagan. Sidee dowladii Federaalka Soomaaliyeed ay isugu hubayn kartaa laba garab oo hal maamul ka wada tirsan oo iska soo horjeeda kuna gabbanaya inay la dagaalamayaan Al-Shabaab.

Su’uaasha isweydiinta u baahan waxaa weeye, haddii markii hore lagu eedaynayey Farmaajo, Fahad iyo Jiis-Mareexaan ay u adeegsadeen awoodii dowladnimada mid ciidan, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba in Gobolka Gedo laga jaro maamulka Jubaland si sharci darro ah oo nidaamka dowladnimada hareer marsan, waxaana si toos ah loo hoos keenay hay’adda NISA, maxaa is beddelay markii ay raggaasi meesha ka Baxeen.

Ma Xasan Shiikh baa galay meeshii Farmaajo? Ma Mahad Salaad baa galay meeshii Fahad? Ma Fartaag baa galay meeshii Jiis-Mareexaan?

Maxaa hortaagan in maamulka Jubaland Gedo ka shaqeeyo. Yaa gobolkaan goostay oo Ethiopia kula heshiiyey?

Su’aal kale, waxaan sugeyney Ciidamada shisheeye oo wadanka jooga iney naga baxaane, yay ka socdaan ciidamada cusub oo aan cidna mandate ama codsi iyo ogolaansho rasmi ah aan haysan oo ka socda Ethiopia oo gudaha u soo galay Gedo iyo koonfurta Soomaalia.

Su’aal kale, Soomaaliya ma waxay u xuub siibatey dowlad deggaanka 7aad. Maxaa Ethiopia soo dhex galiyey arrimaha Gudaha Soomaalia. Maxaa Ethiopia ugu kala dab-qaadaysaa beelaha iyo maamulada Soomaaliyeed oo ay dowladii Soomaaliyana u fiirsanaysaa.
Yaa eeddaas qaadanaya ma Xamse mise Xasan. Waase fadeexad u dhiganta ama ka daran middii lagu haystay Farmaajo iyo Khayre markii Qalbi-Dhagax Ethiopia u dhiibeen isagoo qaawan.

Su’aal kale, maxaa tan iyo waagii Carta baarlamaan kasta uga liitaa kii ka horreeyey?
Maxay tahay farqiga u dhexeeya kulliyada SIMAAD oo Xasan Shiikh maamuli jirey iyo dowladda Soomaaliya oo uu madaxweynaha ka yahay oo ay joogaan isla intii kuliyada iyo NGO-ga la joogtey.

Su’aal kale, waddan adduunka kaga jira kaalinta koowaad dhanka musuq-maasuqa iyo wax is dabamarinta oo maamulka ka jira aan lagu aamini karin xataa kaalmada siiyo dadka barakacayaasha ah iyo kuwa macaluusha la taag daran, ayaa magacooda dayn hor lagu qaadanayaa iyaga oo aan ka war qabin, waxaana go’aan ka gaaraya Xasan Shiikh, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta Gareen. Ma la isku dheela.

Waxaan maqlay arrintaas waxaa diidan Saciid Dani. I support said Deni.
War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii madasha qaranka ee Baydhabo waxaa ku jiray qodob lagu soo qaaday dagaalka ka soocda Laas Caanood oo isoo xasuusiyey “Cali Gar Leh, Caydiidna Gar Leh”, waxaana la is weydiinayaa ma Jabuuti ayaa soo qortay.

Cali Maxamed Aadan (Cali-Dhuux) ayaa waxaa laga sheegay haddii aan gabyi lahaa waxaan oran lahaa …..
War tolow sidaani si ma aha ee inta goori goor tahay Xasan ha loo sheego inuusan waddanka uga darin.

War hooy is bedel doonku yuu noqon bala doon.

Abdi M. Osman. Indheer garadka J/Land.

Mahadsanidin