Hot Topics

Madaxweynaha Ukrain oo dalbaday Hub dheeriya

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dagaalka lagaga hortagayo duullaanka Ruushka, uusan bilaaban karin illaa xulafada Reer Galbeedka aanay usoo dirin taageero militari oo dheeri ah.

Waxa uu wargeys ka soo baxa dalka Japan u sheegay in aanu ciidamadiisa u diri doonin jiidaha hore ee dagaalka, haddii aanay jirin taangiyo badan, madaafiic iyo gantaalaha Ximaar.

Wareysi uu siiyay Yomiuri Shimbun, ayuu ku sheegay in xaalada bariga Ukraine aysan wanaagsaneyn.

“Waxaan sugaynaa hub iyo rasaas fara badan, oo inooga timaado xulufadeena iyo asxaabteena,” ayuu yiri.

Mar wax laga waydiiyay weerarka la filayo in uu ku soo wajahan yahay, ayaa waxa uu yiri “Ma bilaabi karno inaga dagaal, ma diri karno ciidamadeena geesiyaasha ah oo aan lahayn taangiyo, madaafiic iyo gantaalaha riddada dheer”.

Waxaa jiray hadal hayn dhowr toddobaad ah, oo ah in Ukraine ay qaadayso weerar xiliga Guga oo ka dhan ah ciidamada Ruushka.

Taliyeyaasha Ukraine, ayaa ka dhawaajiyay inay dhici karto inay taasi soo dhawaatay.

Oleksandr Syrskyi, oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee Ukraine, ayaa sheegay in usbuucan laga yaabo inay “dhaqso u dhacdo tallaabadaasi”.

Falanqeeyayaasha qaar, ayaa sheegaya in militariga Ukraine ay ka hadlayaan fikradda weerar rogaal celis ah ,oo ay ku carqaladeynayaan dhiggooda Ruushka.