Hot Topics

Gurmad kale oo xoog badan ayay reer Mudug usoo direen Sool

36-Gawaarida Gaashamaan oo ay ku jiraan Taangiyo iyo Hal Urur oo Ciidan ah,ayaa lagu soo xoojinayaa difaaca Sool.

Ciidankaas iyo Hubkaas waxay kasoo ruqaansanayaan Mudug.

Beesha Cumar Maxamuud,ayaa gurmadkan soo diyaarisay markale.

Horay,waxay ugeeyeen Gobolka Ciidankii ugu horeeyay ee sababay in SNM ay ka baxdo Tukaraq,Ganbarre iyo hareeraha LC.

Sidoo kale waxay door muuqda ku leeyihiin difaacyada laga difaaco Magaalada ee Galbeedka,Bariga iyo Bartamaha.

Waa Ciidanka fadhiya Taliskii Ina Canbaashe oo ka saaristiisii halkaasna doorka weyn ku lahaa.

Beesha Cumar Maxamuud waxay kaloo qayb lixaad leh uga qayb qaadatay difaaca Sool dhanka hiilka dhaqaalaha,waana Beesha ugu badan ee bixisay Dhaqaalaha Sool galay.

Qadarin weyn ayay umuujinayaan Bulsha weynta Harti.

Jibril Qoobey.