Hot Topics

Hoos udhaca dhaqaale Ee Somaliland oo saameeyay Mushahaarkii Wasiirada

Hoos udhaca dhaqaale ee soo wajahay Maamulka Muuse Biixi,waxuu sababay in la bixin waayo Mushahaarkii Wasiirada oo loo wareejiyo dagaalka LC.

Sidoo kale Muuse,waxuu amray in Mushahaarka Xildhibaanada la jaro,waase laga diiday.

Waxuu uyeeray Ganacsatada oo ku amray in ay keenaan dhaqaale dagaalka lagu sii wado,gaar ahaan Mulkiilaha Dahabshiil,ayuu ka dalbaday in uu bixiyo 2-Milyan oo dolar,waase ku Gacansayray,sida xoguhu sheegayaan.

Dagaalka LC maalinkii,waxaa ku baxa 300-kun oo dolar,isla markaana Askarigii ku dhinta dagaalka,waxaa Qoyskiisa la siiyaa 2000-kun dolar,sida la xaqiijiyay.

Waxaa la yaab leh in Shirkii Wasiirada ee Maanta aan xataa fariinta caadiga ah ee ogaysiinta aan loo dirin Ina Cali Koore,taasoo muujinaysa heerkulka Qabyaaladu in uu saameeyay jilidii Dowlad Somaliland la yiraahdo.

Jibril Qoobey.