Hot Topics

Somaliya oo Siyaasiyan laysla qaatay in Cunaqabataynta Hubka laga qaado

Markale Muqdisho,waxaa ka dhacay Shir looga xaajoonayay ka qaadista cunaqabataynta Hubka Somaliya.

Shirkaas Khamiistii,ayuu qabsoomay,waxaana kasoo qaybgalay qaybaha oo idil.

Si buuxda,ayaa layskula qaatay Siyaasiyan in la qaado cunaqabataynta,waxaase harsan farsamo ahaan in la dhamaystiro.

Arimaha farsamo ahaan in laysyla fahmo ay tahay,waxaa ka mid ah…

1.In Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah isla waafaqaan wadaaga Hubka,hayntiisa,maamulidiisa iyo soo iibintiisa.

2.In Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay isla fahmaan Siyaasada Amniga ee ay hoos imaanayso dib udhiska Ciidanka Qaranka.

Maraykanka,ayaa si weyn uriixaya qaadista cunaqabataynta,waxaana galay danihiisa oo waxuu ka deg-degayaa in Shiinuhu helo fursad uu ka faa’idaysto oo uu kusoo gelo Somaliya.

Sida xoguhu sheegayaan,waxaa la rabaa in Cunaqabataynta la dhamaystiro Siyaasad iyo Farsamo ahaanba waxa ku gedaaman ka hor kulanka Sanadlaha ah ee Madaxdu iskugu timaado Qaramada Midoobey.

Jibril Qoobey.