Maxaa kala socotaa Shirkada la wareegaysa Adeega Badeecadaha PL iyo Dubai Ee Qoyska Deni?

Kulankii Cashada ahaa ee ka dhacay Dubai,waxuu ahaa mid lagu yagleelay Shirkad cusub oo ay wada leeyihiin Qoyska Madaxweyne Deni iyo DPWorld.

Shirkadaas,waxay maamulaysaa oo hoos tagaya dhamaan badeecadaha ka imaanaya Imaaraadka iyo kuwa ka tagaya Puntland.

Waxay ku mataanaysan tahay Shirkadaas mida weyn ee DP World.

Shirkadan,waxay meesha ka saaraysaa Dadkii reer PL ee ka shaqaysan jiray kala gudbinta Badeecadaha haday noqon lahayd kiraynta Gaadiidka,soo dhamaynta Waraaqaha IWM.

Madaxweyne Deni oo isticmaalaya Awooda Dowladnimo,waxuu horay ula wareegay…

1.Adeegii Ciidamada Badda.
2.Garoonka Diyaaradaha iyo Hotelka Five Star.
3.Adeega Shirkada balaarinaysa Dekeda Bosaso.
4.Korontada Bosaso.
5.Marti-soor Hotel oo uu ku khasbay in 10% laga iibsho,maadaama Dowladu ka mid tahay macaamiisha.
6.Dekeda Garacad oo ku khasbay in laga iibsho 20-Saami oo udhigma $2-Milyan.

Deni,waxaa lagu tilmaamaa Madaxweynihii ugu adeegsiga badnaa awooda danihiisa gaarka ah Taariikhda PL.

Jibril Qoobey.