Video:-Dagaal xoog badan oo ka socda Caasimada Sudan

Dagaalka,ayaa ka socda dhowr Aag oo ku yaalla caasimadda Khartuum.

Milateriga,ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii Ciidamada gurmadka deg-dega ah ay weerarreen taliska dhexe ee Khartuum, inkastoo xooggagaas ay beeniyeen eedeynta loo jeediyay.

Madaxtooyada, garoonka diyaaradaha iyo xarunta warbaahinta qaranka ayaa kamid ah meelaha ay sida xooggan rasaastu uga dhacayso.

Waxaa la arkayay diyaaradaha dagaalka oo gantaalo la dhacaya goobo la rumaysan yahay in ay ka dagaallamayaan ciidamada gurmadka degdega ah.

Labada Ciidan,ayaa daacad u kala ah Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan iyo Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo ah Labada Nin ee ugu awoodda badan Sudan.

Labada Janan,ayaa wixii ka danbeeyay Afgembigii dhacay Oktoobar 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen Gole ka kooban Taliska Milateriga.

Milateriga,ayaa waxaa utaliya Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah Madaxa Golaha talada Sudan haya.

Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka Golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo,

Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo Dowlad rayid ah,ayaa socon waayay kadib markii ay Labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka deg-dega ah loogu biirinayo Milateriga Sudan.

Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10-sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo Laba Sano gudahood.

Beesha caalamka,ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

https://twitter.com/ikushkush/status/1647193514848002049?t=YD00bETc0pAdId8g78KZ4g&s=19