Hot Topics

Video:-In ka badan 90-Qof oo isku dilay si ay ula kulmaan Ciise

Khasaaraha dhimasho ee beer ku taalla dalka Kenya, halkaasi oo wadaad diimeed kirishtan ah uu xertiisa ku hoggaamiyey inay gaajo u dhintaan, ayaa Talaadadii gaartay 90 qof, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Tirada cusub ayaa timid kadib markii booliska ay soo saareen meydadka 17 qof. Tirada guud ee dadka lasoo badbaadiyey ayaga oo gaajaysan ayaa hadda gaartay 34 qof.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa tirada dadka illaa hadda la la’yahay ku sheegtay 213 qof.

Paul Makenzi, oo hoggaamiya kaniisadda Good News International Church, ayaa lagu eedeeyey inuu xertiisa ku ururiyey beer ku taalla magaalada Malindi,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka