Odoyaasha wada dhex-dhexaadinta colaada Laascaanood oo kulamo kawada Hargaysa

Odayaasha dhaqanka ee ku jira dhexdhexaadinta dagaalka Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa maanta kulan la yeeshay shir Guddoonka Golaha Guurtida ee maamulka Muuse Biixi.

Odayaasha dhaqanka ee koonfurta Soomaaliya uga yimid dhexdhexaadinta colaadda Sool, ayaa gaarey shaley magaalada Hargeysa.

Sidaanoo kale Odayaashan waxay kal hore tageen Garowe iyo Laascaanood oo ay kula soo kulmeen Garaadada.

In Muuse aqbalo tagidooda Laascaanood waxay ku timid cadaadis kaga yimid Beesha caalamka.

Tani waxay macno tirtay doodii Maamulka Muuse ee ahayd in Laascaanood ay ku dirirayaan Maamul iyo Beel ka mid ah Beelihiisa oo waxtirsanaysa.

Sidoo kale,waxaa soo afjarmay sheegashadii ahayd (Jamhuuriyad madaxbanaan).