Hot Topics

Hadalka Xasan Shiikh oo taageero unoqday Siciid Deni

Xasan ka hadalkiisa Doorashada Puntland,waxay fursad utahay Deni.

Boqolkiiba Shan Boqol taageero ah,ayuu helay Deni daqiiqadii uu hadlay Xasan Shiikh.

Dadka reer PL marna lama fahansiin karo Xasan,ayaa wada wax idin dan ah.

Sidoo kale hadalka Xasan ,waxuu caqabad ku noqday Siyaasiyiinta Deni iskood uga hor imaan lahaa,iyadoo Shacabku u arkayaan in Xasan soo diray.

“24-maalmood haku dubinina,waxii aad 24-sano soo dhisayseen in uu adeegsado Erayadaas oo Xasan Shiikh  og yahay ayay dadka reer PL iswaydiinayaan?

PL waa nidaam fariistay oo leh Bulsho hormuud ah oo ilaalsata,hadalka Xasan,waxuu unoqday hurdo ka kicin.

Miyuusan ogayn in Puntland tahay nidaam leh Dastuur iyo hay’ado sharci oo gaamuray.

Aamuskaa ufiicnaa iyo in uu isqariyo oo hoos kawado qorshaha ka dhanka ah reer Puntland Madaxweyne Xasan.