Hot Topics

Maxaa ka danbeeya Qoraalka Xil.Sanyare kasoo qoray Ismaaciil C.Geelle?

Sanyare ma muujin Faham,Aragti iyo Qiyam Siyaasadeed marka laga fiiriyo qormada uu ku amaanay Geelle.

Waa Xildhibaan ku matala PL Baarlamaanka Fadaraalka mana ahayn in uu ku deg-dego amaanta Geelle oo ay PL u aragto in uu yahay Mus-danbeedka dhibaataynta PL.

Si gaar ah,waxuu Saldhig uyahay xasuuqa Shacabka Laascaanood lagu hayo iyo xumaanta ka dhanka ah PL ee Villa Somaliya kasoo butaacayso.

Xil.Sanyare,ayaa la aaminsan yahay in Qormadan ay ka keentay  Qaadka Kenya ka yimaada oo wax laga siiyay fursadihiisa,iyadoo Geelle kala hadlay Xasan Shiikh.

Sanyare iyo Gabar Dumaashidiis ah,ayaa loo xiray Qaadka Kenya ee Mudug taga,kaasoo ka degaya Garoonka macmalka ah ee Koonfurta.waxaana usoo dhameeyay Geellaha Jabuti.

Halka Madaxweyne Deni ka diiday arinkaas,waana mida uu kula colloobay oo uu haatan kula dirirayo Ulana saftay Geelle iyo Xasan.