Hot Topics

Yaa xaq uleh in uu ka taliyo waayaha Siyaasada Puntland?

Qof aan Ururada Siyaasada ku jirin boos ugama banaana ka hadalka iyo jaangoynta Siyaasada Puntland.

Si gaar ah Niman boobka iyo isdabamarinta Siyaasadeed kusoo fuulay masraxa una arka waxa kaliya ee ay kusii joogi karaan in ay tahay Suuqaas Madow oo sii socda Bulshadu uhakanmayso.

Waxa ugu weyn ee ay samayn karaan waxay tahay in ay Xoogaa Qoryo ah oo ay ka samaysteen Dhiiga Shacabka Puntland meelaha la istaag-taagaan.

Kun haday ku dhimanayso Dowlada halagu garabsiiyo hirgelinta Dimuqraadiyada,iyadaa wax noogu taal.

Nin sheeganaya Siyaasi oo iskadaa in uu Aayaheena ka taliyee aan gaarsiisnayn xataa in Agaasime Waaxeed laga dhigo yuusan na isticmaalin.

Jibril Qoobey.