Hot Topics

Video:-Xiritaanka shirka wadatashiga Federaalaynta iyo Dastuurka Ee Garowe

Garowe, May 15, 2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdullahi Said Aw-Yusuf ayaa soo xirey shirka wadatashiga hannaanka Federaalaynta iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Puntland iyo DFS oo mudo 2 bari ah ka socday magaalada Garowe.

Shirkaan ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa lagu lafaguray ka doodista isfaham la’aanta ka jirta dhinaca Dastuurka iyo Arrimaha Federaalaynta, wadaaga masuuliyadaha ka dhaxeeya Dowladda Puntland iyo DFS, mabaa’dida hannaanka Federaalka iyo xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Dowladaha xubnaha ka ah DFS, dhamaystirka la’aanta Dastuurka iyo caqabadaha hortaagan hirgelinta hannaan Federaalka.

Sidoo kale, waxaa aad loogu lafaguray habka loo marayo hannaanka suurtogelinkara in Puntland iyo DFS ka wada shaqeeyaan Iskaashiga Dowladnimada, horumarinta mashaariicda, adkaynta nabadda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha inta laga dhamaystirayo Dastuurka Dalka.

Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay Guddiga wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka, Agaasimayaasha Guud ee Dowladda Puntland, Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka, Guddiga Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka, Hay’addaha iyo Xarumaha Cilmi-baarista, Jaamacadaha Puntland, Ururada Haweenka, bulshada Rayidka ah iyo aqoonyahanka iyo wax-garadka Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Dhammaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Halkan ka daawo muuqaalka