Hot Topics

Video:-Waxgaradka,Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta Garowe oo taageeray Doorashada..

Waxgaradka,Siyaasiyiinta,Aqoonyahanka iyo Saraakiisha Gobolka Nugaal,gaar ahaan Beesha Ciise Maxamuud,ayaa si weyn uga hor yimid Shaqaaqadii dhacday Habeen hore  ee layskugu dayay in lagu hor istaago Doorashada Golayaasha Deegaanka.

Hormuudka Gobolka ee hadlay oo ay ka mid ahaayeen,Qarjab,Siciid Dheere iyo Dadk kale,waxay sheegeen in aysan sinaba u aqbalayn in la hor istaago Dimuqraadiyada.

Maxamuud Shiikh Xaamud oo ka mid ahaa Aqoonyahankii ka hadlay Madasha,ayaa muujiyay sida ay ugala weyn tahay qadiyada PL Qof jeclaysi.

Maxamuud Waxay Walaalo yihiin Wasiirkii hore ee Cadaalada Cawil Sh.Xaamud oo hada ka mid ah kuwa wax xumaynay,isla markaana  waxaa Gabadhiisu ay Oori utahay Ina Faroole.

Maxamuud xiligan waa hormuudka Jaamacada PSU.

Horay,waxuu usoo noqday haldoorkii ka hor yimid Xukunkii kalitalisnimada oo kasoo halgamay SSDF.

 

 

Halkan ka daawo M.Sh.Xaamud oo hadlaya

 

Qarjab waa miisaan culus oo reer Garowe ah,hadalkiisuna meel fog gaaro,wax weyna ka dhex gooya Beesha Ciise Maxamuud,Nuugaal iyo Puntland.

 

Halkan ka daawo muuqaalka Qarjab oo hadlaya