Video:-Faahfaahin dagaaladii Laascaanood Ee Maanta

Maleeshiyada SNM ee weerarka soo qaaday,ayaa markii hore xoogaa hinqisay Ciidanka difaaca Sool ee Aaga ku Aadanaa Tuulo Samakaab.

Kadib gurmad fiican oo gaaray Ciidamada difaaca Sool jab weyn ayay gaarsiiyeen kuwii SNM,waxaana loo baacsaday kuwa SNM dhanka Tuulo Samakaab,iyagoo difaac ka xirtay meel ujirta Hal KM iyo Bar.

Tuulo Samakaab,waxay ku taal Laamiga Burco Aada,hadii ay qabsadaan Ciidamada difaaca Sool waxay ka dhigantay in laga jaray Wadadii Saadka Maleeshiyada SNM.

Dhanka Maraaga,waxaa ka dhacay dagaal xoog leh oo Maleeshiyada SNM looga qabsaday Buuraha Maraaga,waxayna dib ugu gurteen Toga Maraaga oo hadii markale loo xoog sheegto ay noqon doobto in si buuxda Maraaga loogala wareegay.

Sidoo kale Galbeedka Magaalada,waxaa ka dhacay dagaal kale,kaasoo isagana lagu riixay Maleeshiyada SNM.

Guud ahaan dagaaladii dhacay waa looga Gacan sareeyay Maleeshiyada SNM.

 

Halkan ka daawo Afhayeenka 33-da oo hadlay