Hot Topics

Golaha Ammaanka ee QM ayaa Qaraar ka soo saaray xaaladda Laascaanood

Golaha Ammaanka ee QM ayaa Qaraar tirsigiisu yahay SC/15313- ka soo saaray dagaalka Laascaanood…

1- Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in si deg-deg ah looga saaro ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood, waxayna ugu yeereen ciidanka deegaanka in ay is xakameeyaan oo ka fogaadaan falal hurin kara dagaal iyo hadalada xanafta leh.

2- GolahA mmaanka ayaa soo dhaweeeyey dadaalada & Hindisaha nabadda ee ay wadaan dawladda faderaalka, Itoobiya & Odayaasha beelaha oo ku wajahan sidii xabad joojin loo gaari lahaa, wada hadal rasmi ahna dhinacyad u dhexmari lahaa, waxayna ugu baaqeen dhinacyadu in ay xabad joojin deg deg ah sameeyaan, si wada hadal rasmi ah loo bilaabo, Xaafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa la faray in uu garwadeen ka noqdo wada xaajoodyada iyo fududeyntooda.

3- Golaha Amaanka ayaa sheegay in ay Somaliland ciidankeedu geysteen xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, tan iyo December 2022, sida ay xuseen warbixinada Xaqiiqo raadinta ah ee laga sameeyey Laascaanood (gaar ahana Document S/2023/109- oo cadeynaya baaris la sameeyey).

4- Golaha Ammaanka waxay si kulul cambaareeyeen beegsiga xarumaha danta guud, shacabka, waxayna ku baaqeen in la joojiyo iska horimaadka ciidanka Somaliland iyo ciidanka beeleedka deeganka.

4- Golaha Amaanka ayaa xasuusiyey dhammaan dhinacyada in lagu xisaabtami doona dhacdooyinka Laascaanood, iyadoo lagu dhaqmi doono sharciga caalamiga ah oo uu ku jiro sharciga caalamiga ah ee arrimaha Bini’aadantinimada, waxayna soo jeediyeen in lagula xisaabtamo kuwa gaboodfalada iyo falalka ka baxsan xaquuqda Aadanaha geysanaya.

5- Beesha Caalamka, gaar ahaana Hay’addaha caalamiga ah ayaa lagu booriyey in ay kordhiyaan gargaarka ay siinayaan dadka barakacay, sidaas oo kale kooxaha ka shaqeeya ka hortaga agabyada qarxa ayaa la faray in ay deg deg uga howlgalaan deegaanadaas, si dadweynaha looga badbaadiyo halista waxyaabaha qarxa ee ay ka tagaan dagaaladu.