Hot Topics

Fahad qormadiisa,waxaa maco tiray Deel-qaafka iyo Cuqdada

Fahad qoraalkiisu,waxuu macno yeelan lahaa markuusan Runta ka weecan xataa haday isaga bahdil ku tahay.

Rooble run kama sheegin xaqiiqdii ee wuu colaad hadlay.

Rooble jaajuus ma’ahayn shisheeye,taas waa ku Deel qaaf Fahad Yaasiin.

Ma liibaane lagu Liibaanay sida uu ufasiray ma’ahan xaqiiqdu ee sida uu jeclaa,ayuu udhigay.

Rooble mudo gaaban,ayuu haystay oo ahayd in uu hirgeliyo doorasho,isla markaana mideeyo Somalida.

Rooble ma’ahayn Nin dhaqaale haystay ama lahaa Sxb Siyaasadeed oo dhabarka ka taagnaa.

Shan Qodob oo isaga,Beeshiisa iyo Somali ay ku liibaantay,ayaa taariikhda ugalay,kuwaasoo kala ah……

1.In la isticmaalo sidii Khayre oo uu diiday.

2.In uu Farmaajo Siyaasada ka saaray.

3.In uu Fahad awoodii ka qaaday,kana hor istaagay gelida Baarlamaanka.

4.In uu hirgeliyay Doorasho Baarlamaan iyo mid Madaxweyne.

4.In uu uhiiliyay Beeshiisa,kana dulqaaday Taliskii bahdilay,una Gacan geliyay Villa Somaliya.

Rooble,waxaa la oran karaa waa mid ka mid ah Ra’isalwasaarayaashii Wadanka soo maray ee saamaynta lahaa.

Jibril Qoobey.