Hot Topics

Warka Golaha ammaanka waxuu bahdil weyn ku yahay Villa Somaliya.

Garaadadu waa asiibeen jawaabta ay ka bixiyeen Qoraalka kasoo baxay Golaha amaanka.

Warka Golaha amaanka ee lagu amaanay Itoobiya dadaalkeeda,waxuu bahdil weyn ku yahay Villa Somaliya.

Xasan Shiikh,waxuu damcay in uu ka dhigto qadiyada Sool wax uu ku jees-jeeso,waase laga saaray Gacantiisa ka daba tagiisa Caawana macno maleh.

Haatan xaalku,waxuu uwareegay Itoobiya oo haysata taageerada BC iyo wada shaqaynta Xaafiiska Unsom ee amarka qaba.

Itoobiya,waa halka Labada dhinac ku xiran yihiin isu socodka Ganacsiga iyo galaan galka siyaasada,waana mida keenaysa in ay fulinta go’aan kaas Gows danbeedka unoqoto.

Garaadada,waxaa laga rabaa in ay dhisaan Xaafiis Siyaasada iyo gar-gaarka isku dubarida oo ka faa’idaysta awaamiirta cad ee la siiyay Xaafiiska Siyaasada QM ee Unsom.

SNM Siyaasiyan saakay si wacan ujabtay.

Jibril Qoobey.