Hot Topics

Shiinuhu ma wuxuu danaynayaa dagaal uu lagalo Maraykanka?

Laba Markab dagaal oo ay kala leeyihiin Maraykanka iyo Shiinaha,ayaa isku dardari gaaray Biyaha caalamiga ah ee Taiwan ku aadan.

Inkastoo Markabka Shiinuhu ka yaraa kan Maraykanka,hadana waxay isku jirsadeen Labada Markab 130-Mitir.

Shiinaha,ayaa ku eedeeyay Maraykanka in uu khatartaas abuuray,halka Maraykanku ku tilmaamay masuuliyad daro ay ku kaceen Shiinaysku.

Falanqeeyayaasha,ayaa qaba in Shiinuhu si ula kac ah usameeyay khatartan,isagoo uga dan leh in uu fariin ugu diro Maraykanka.

“Kabax Badda Taiwan oo ku laabo Dalkaagii qabsana danahaaga”Ayay ku jawaabtay W.Difaaca Shiinaha.

Hadii dagaal ka dhex qarxo Labada Wadan,waxaa khasaaraha ugu badan soo gaaraya Shiinaha,sababtoo ah waxa lagu dirirayo waa dushiisa,waxaana dagaalka qayb ka noqonaya Dowladihii Gobolka oo ay ugu horayso Taiwan oo Shiinuhu u arko qayb ka mid ah.

Sidoo kale Maraykanku awood ahaan waa kaga leeyahay si weyn Shiinaha.