Hot Topics

Kulankii muhiimka ahaa Ee Blinken iyo MBS oo qabsoomay

Dhaxalsugaha awooda badan ee Boqortooyada Sacuudiga ee loo yaqaan MBS,ayaa kulan la qaatay Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Blinken.

Kulanka oo socday 1:40 Daqiiqo,ayaa diirada lagu saaray wada xaajood dhab ah oo laga galay arimaha dhaliyay khilaafka soo kala dhexgalay Labada Wadan ee leh isbahaysiga soo jireenka ah.

Arimaha laga wada hadlay waxay kala yihiin…..

1.Xiisada Iran iyo Sacuudiga.

2.Saliida iyo dhimista wax soo saarka Sacuudiga.

3.Dagaalka Yemen iyo arimaha amniga guud ahaan.

4.Dilkii Wariye Kharshooki.

Sacuudiga,ayaa u arka in Maraykanku ku daawaday loolanka uu kula jiro Shiicada ee Bariga dhexe,isagoo ka filayay garab weyn.

Sidoo kale si shakhsiyan ah MBS,waxaa  uhaysata culayska Xuquuqda Bini’aadam ee ka dhashay Dilkii Wariye Khashooki.

Kulankan,waxuu muhiimad gaar ah uleeyahay MBS iyo Boqortooyadiisa oo Iran uga adkaatay hardankii Bariga dhexe.

Maraykanka,ayaa ciyaaraya Siyaasad Laba wajiilayn ah markay timaado maaraynta Siyaasada Muslimiinta Shiicada iyo Sunniyiinta ee Bariga Dhexe.

Isku soo wada duuboo Maraykanku waa Ruuxda Boqortooyada Amni ahaan iyo Siyaasad ahaan.