Hot Topics

Saamaynta Dollar-ka Ee Caalamka miyay sii hoobanaysaa?

Dollarku malluminayo saamayntiisa caalamka sababahan awgood…

1.Sicirka Saliidda caalamka,waxay ku jaan go’an tahay Dollar-ka.

2.Kaydka Lacageed ee Wadamada caalamku haystaan waa Dollar.

3.Lacagta rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado,layskuna hallayn karo waa Dollar.

4.Swift iyo IBAN-ka Baananka caalamku ku shaqeeyaan waxay Gacanta ugu jiraan Maraykanka.

5.Xarunta Ganacsiga Aduunka,Sanduukha Lacagta iyo Baanka Aduunka waxay ku yaallaan xarumahoodu Maraykanka.

Labo Tirilyan oo dollar,ayaa lagu qiyaasaa in ay wareegayso,taasoo 40% ku wareegaysa Maraykanka dibadiisa.

Majiro Waddan ama Midow leh Lacag usoo dhawaan karta Dollar-ka,waxaana macnaheedu hoos udhacay qiimihii Lacagta Yuro oo mar la saadaalinayay in ay loolan la geli karto Dollar-ka.

Dowladaha 5-ta ah ee haatan abaabulaya ka madax banaanida Dollar-ka,kuma jiro hal Waddan oo Lacag la kaydsan karo leh.

Hindiya iyo Ruushka oo ku heshiiyay in Rubbiga ay wax ku kala iibsadan,waxaa soo food saartay cakirnaan.

Brazil,K.Afrika,Hindiya,Ruushka iyo Shiinaha,dadaalkoodu waa mid Masayr ku fadhiya.

 

Jibril Qoobey.