Hot Topics

Jawaabta SNM Ee Warka kasoo baxay Golaha amaanka

Maamulka SNM,waxuu jawaab uga dhigay Warbixintii kasoo baxday Golaha amaanka Sadex Qodob oo kala ah…

1.In si khaldan wax loogu sheegay QM.

2.In Puntland hurinayso colaada LC.

3.In Alshabaab qayb ka yihiin colaada.

Sida muuqata jawaabta SNM maleh qiimo unoqon kara jawaab celin amarada iyo Eedaymaha kasoo baxay Golaha amaanka.

SNM Milleteri ahaan ayay ujabtay markii hore,kadibna Maalinba maalinta ka danbaysa Siyaasiyan ayay usii hoobanaysay.

Saakay,waxay maraysaa in loogu yeero Waqooyiga Somaliya oo laga gudbo magacii uhirgalay ee Somaliland.

Sidoo kale in BC ku dhiirato ku dhawaaqista Muqadasnimada ilaalinta midnimada,Xornimada iyo Xuduudaha Qaran ee Somaliya.

SNM ma lumin oo kaliya Sool iyo Sanaag ee waxay kaloo lumisay maqaamkii iyo fursadihii Siyaasadeed oo idil.

Jibril Qoobey.