Hot Topics

IGAD oo isku dayaysa in ay xal uhesho dagaalka Sudan

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa muujiyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay in uu kulan fool-ka-fool ah la yeesho jeneraalada isku haya Suudaan si loo xalliyo dhibaatada halkaas ka taagan.

Waxa uu sheegay in Kenya, iyada oo ah Guddoomiyaha “quartet-ka” ee dalalka Gobolka ay ka go’an tahay inay si fool ka fool ah ula kulmaan Labada dhinac si loo helo xal waara.

Dagaalka,ayaa Sudan ka socda tan iyo 15-kii April,kaasoo u dhexeeya Ciidamada, oo uu horkacayo taliyaha Ciidamada Cabdel Fattah al-Burhan, iyo Ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF oo uu hogaaminayo taliye ku xigeenkii hore ee Militariga Maxamed Xamdan Dagalo ee caanka ku ah Hemedti.