Hot Topics

Urur Goboleedka IGAD oo sii macno beelaya marba marka ka danbaysa

Wax qiimo ah oo uu leeyahay majiro Urur Goboleedka IGAD oo waa hore,ayuu dhintay.

Warka kasoo baxayna waxba ma gooyo.

Wadamada ku jira Labo,waxaa lagu maamulaa Xeerka QM ee Dalalka aan Siyaasiyan isku filnayn,waana Somaliya iyo S.Sudan.

Itoobiya,iyadaaba dagaal sokeeye iyo burbur dhan walba ah la tacaalaysa.

Kenya waxay la’adahay Miisaaniyadii Dalku ku socon lahaa,waxayna qarka usaaran tahay in ay iska bixin waydo Daymaha.

Jabuti waa kaligii Taliye ku nool Dulaalka Saldhigyada reer Galbeedka iyo Somalida.

Ugandha waxay ka dabarataa Miisaaniyada Ciidankeeda dhaqaalaha ay ku hesho hawlgalka Somaliya.

Sudan way carowday oo waa ku daysay,mana soo noqon doonto abid.

IGAD magac ahaan waa qurxoon yahay,balse maqaam ahaan macno maleh,waxa kasoo baxana kama duwana waxa ay soo saaraan Axmed Madoobe,Laftagareen,Guudlaawe iyo Qoor-qoor.

 

 

Jibril Qoobey.