Hot Topics

Khabiirkii Qaraxyada Shabaab oo Madaxiisa Lacag la dul dhigay

Mareykanka,ayaa ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 5-Milyan oo dollar ciddii keenta xog ku saabsan Cabdullaahi Cismaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil oo ah khabiir sare oo Al-shabaab u sameeya qaraxyada.

Eedeysanahan,ayaa sidoo kale ah la-taliyaha hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa intaas ku daray in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu sidoo kale yahay madaxa waaxda warbaahinta ee Al-shabaab ee Al-kaib.