Hot Topics

Ajandihii Golaha uqabsoomay Kalfadhigii 51-Aad

Ajandihii Golaha uqabsoomay Kalfadhigii 51-Aad?

1. Waxaa Golaha loo soo gudbiyey warbixinta guddiyada Golaha, taasoo ku aadanayd kormeerada iyo dabagalka Hay’adaha Dawladda, waxqabadka xukuumadda, baahiyaha bulshada iyo caqabadaha jira.

2. Waxaa Golaha lagu hor-dhaariyey Axmed Bashiir Askar Xuseen oo xubin ka noqday Golaha Wakiillada isagoo bedeley Allah ha u naxariistee Xildhibaan hore Bashiir Askar Xuseen.

3. Goluhu wuxuu xasaanad siiyey Xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha dadweynaha ee loo soo magacaabay Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka.

4. Xasaanadsiinta xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah.

5. Ansixinta Wasiiro Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno, si waafaqsan qodobka 64-aad ee Dastuurka.

6. Soo saarista go’aan gole oo ku aaddan natiijadii ka soo baxday la xisaabtankii xukuumadda, go’aannadaas oo xambaarsanaa, wax-ka-qabashada dhaliilaha xukuumadda ee ka soo baxay natiijadii la xisaabtanka Xukuumadda, talo soo jeedinta golaha iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira.

7. Goluhu wuxuu isla kalfadhigii 51-aad ku ansixiyey;

1. Xeerka Khayraadka Biyaha Puntland.
2. Wax ka bedelka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland.
3. Ansixinta Miisaaniyad Sannadeedka Dawladda Puntland ee 2023.