Hot Topics

Beesha Caalamka oo Deni ku cadaadinaysa in uu ka qaybgalo Shirka Madasha

BC waxay xiriir toos ah lasoo samaysay Madaxweyne Deni.

Arimaha ay kala hadleen,waxaa ugu waa weynaa Hal Qodob oo ah…

1.In PL ay kusoo laabato Geedi socodka dhismaha Dowladnimada Dalka shuruud la’aan.

Maraykanka oo ugu cad cadaa Safiirada la hadlay Madaxweyne Deni,waxuu ku yiri….

“Ma yeelayno Dalkan in Ninba meel ooto,waxaan ka rabnaa daganaan siyaasadeed iyo la dagaallan argagixiso,PL waxay leedahay hadaf la yaqaan oo aysan lahayn DG kale ee ha lumin”.

Hadalka M.Deni loosoo gudbiyay waa midkii M.Xasan loo sheegay Shalay,waxaana xoguhu tilmaamayaan in Safiiradu la hadleen Deni ka hor intaysan Shalay la kulmin Xasan.

Marka la qiimeeyo jawiga taagan,PL waa in ay deg-deg usii daysaa in ay diyaar utahay wada xaajood,isla markaana shaacisaa Dooda ay wadato.

Maaraynta Siyaasadeed ee PL laga rabo waa in aysan iska hor imaan Beesha caalamka oo ay Daaqad furtaa.

Jibril Qoobey.