Hot Topics

Kenya oo qarka usaaran in ay aqbasho xukunkii Maxkamada caalamiga ah Ee muranka Badda Somaliya

Shirkadihii Shidaal ee Kenya ay Qandaraaska ku siisay in ay Shidaal ka qodaan Baddii ay kula muransanayd Somaliya,ayaa dalbaday in loo celiyo dhaqaalihii ay Dowlada Kenya ka hormarsatay.

Shirkadaha,ayaa ku doodaya maadaama Badda dhanka Kenya laga waayay Shidaal oo qaybtii laga helayna loo xukumay Somaliya ay Dowlada Kenya soo celiso Lacag dhan $200-milyan.

Dowlada Kenya,ayaa dhankeeda ku dooday in Lacagtii baxday laga soo qaado wax gubtay maadaama heshiiskii fashilmay oo uu yimid,waxaan la filayn.

Balse Shirkadaha,ayaa shuruud uga dhigay Kenya haday rabto in la baabi’iyo heshiiskaas iyo Lacagihii lagu kala qaatay in ay Somaliya la gasho heshiis Gobol oo Shidaal.

Dowlada Kenya way ka hor timid soo jeedinta Shirkadaha,waxayna codsatay in la siiyo 2-sano,maadaama Somaliya aysan ka jirin Dowlad lala hadli karo oo masuul ah.

Heshiiskaas Shidaal,ayaa Kenya ku khasbaya in Badda muranku ka jiray ee Maxkamadu uxukuntay Somaliya ay si buuxda u aqbasho go’aanka una aqoonsato Bad Somaliyed.

Fursada Somaliya ugu jirta cadaadiska Shirkadaha ku leh Lacagta Kenya waa in uu soo afjarmo murankii oo Kenya u aqoonsato Baddaas in ay Somaliya leedahay si rasmi ah.

Kenya dhankeeda waxay ku heli kartaa heshiiskaas in Somaliya uga iibiso Shidaalka qiimo ka jaban kan caalamka oo xeer gaar ah,sidii ay horay usameeyeen Kuweyt iyo Sacuudiga oo kale.

Jibril Qoobey.