Video:-Kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland oo markale furmay

Garoowe, June 17, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane, Ismail Mohamed Warsame, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 2aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada, oo ay soo xaadireen 52 Mudane.

Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen Cod aqlabiyad ah Ajandaha rasmiga ah Kalfadhiga 52aad ee Goluhu ka shaqeyn doono mudada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, kaas oo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan si rasmi ah maalinta berri ( Axad, 18 bisha June, 2023).

 

Halkan ka daawo muuqaalka