Hot Topics

Maka jirtaa Somaliya Dowlad gaarsiisan in laga qaado cunaqabataynta Hubka?

Somaliya maka jirtaa Dowlad gaarsiisan in laga qaado cunaqabataynta Hubka?

Su’aalaha iswaydiinta mudan waxay yihiin…..

1.Waa kuwee Ciidamada Hubka ubaahan ee Somaliyed?

B.Ma kuwa Dowlada Dhexe udiiwaangashanbaa?

T.Ma kuwa Macawisleydaa?

X.Ma kuwa Puntland baa?

Kh.Ma kuwa Somaliland baa?

2.Dowladee laga qaadayaa cunaqabataynta?

B.Villa Somaliya miyaa ?

T.Puntland miyaa?

J.Somaliland miyaa?

Somaliya Dowlad masuul ah oo dhamaystiran kama jirto,waxaana weli socda Geediga Dowlad dhiska.

Majiraan Dastuur,Siyaasad Amni,Siyaasad Dhaqaale iyo Ciidan lagu midaysan yahay oo Somaliyed.

Somaliya xiligan uma diyaarsana in laga qaado cunaqabataynta Hubka laguna wareejiyo masuuliyada Amni.

Si gaar ah Somaliya Ciidan wada matala oo lagu tilmaami karo Ciidan Qaran kama jiro xiligan.

In Cunaqbataynta Hubka la qaado,waxaa ka horeeya in Dowladnimada la dhamaystiro.

Jibril Qoobey.