Hot Topics

Xaruntii Sadexaad Ee Ganacsi oo ay argagixisada Daacish ka xirtay Bosaso.

Xaruntii Sadexaad ee Ganacsi ayay argagixisada Daacish ka xirtay xarumahoodii Bosaso.

1.Waxay gubeen Xaruntii ugu waynayd ee Almacruuf Bosaso,waxayna xireen Laba kale oo isla Bosaso ah.

2.Waxay xireen Isbitaalka National Laba maalmood ka hor.

3.Waxay xireen Warshada Isbuunyada maalin ka hor.

Xubnaha fulinaya hawlgalladan ee argagixisada ah,waxay isticmaalayaan Taleefoonka Shirkada Somtel oo ka bilowda 06..

Ujeedka ay Ganacsatada ubartilmaameedsanayaan waa ka qaadida Lacag baad ah oo ay uyaqaabaan Sakawaat.

Ilaa iyo hada laamaha amaanka Puntland waxba kama qaban arinkan soo xoogaysanaya,waxaana xusid mudan in Bosaso ay fariisin utahay Labada Ciidan ee ugu casrisan PL ee PMPF iyo PSF.

Sidoo kale PISF oo uu hogaamiyo Aamiin Xaaji Khayr oo Wardoon ahaan uhawlgasha,ayaa fadhigeedu yahay Bosaso.

Jibril Qoobey.