Hot Topics

Faallo:-Garowe lahayste uma ahaanayso Afar Nin oo isku jifi ah

Magaaladaas quruxdaas leh ee reer PL Boqradeen,isla markaana maalgashteen ayay rabaan Afar Nin oo isku jifi ah in ay lahayste uhaystaan?.

Baarlamaankii Ummadda ayay damceen in ay iyagu xirtaan kuna khasbaan Xildhibaanada in tooda lagu shaqeeyo?

Rabitaanta Bulshada PL 98% ayay isku dayeen kooda oo ka ah 2% in loo xayiro.?

Dimuqraadiyadii,ayaa laga hakiyay Magaalladan,iyadoo laga baaqsanayo isku dhac?

Diiwaangelintii,ayaa loo hakiyay in mudo ah Magaalladan,iyadoo laga baaqsanayo isku dhac?

Madaxweynihii,ayaa dhaq-dhaqaaqiisa koobay,iyadoo laga fogaanayo isku dhac?

Ammaankii Magaalladan,ayaa la sugi waayay,iyadoo laga baaqsanayo isku dhac?.

Intaas,waxii ka danbeeya ma Baarlamaanka iyo Madaxtooyada furayaashoodaa lagu wareejiyaa?

Ninkii arki waaya nimcada lawada haysto ee dhan walba ah hasoo dumiyo meeshuu ka galo,ayaa laga wada galayaa?

Jibril Qoobey.