Hot Topics

Faallo:-Madaxweyne Deni oo laga rabo in uu hadlo

Madaxweyne waa guulaysatay Siyaasiyan ee ugudub Wajigii 3-Aad.

Laba Qodob mid samee..

1.Qabo Shir jaraa’id oo Dadka jihee una sheeg halka loo socdo iyo hanaanka loo gudbayo si rasmi ah.

2.Qabo Shirweyne wadatashi oo ufuran dhaqanka iyo Siyaasiyiinta oo idil,kaasoo looga tashanayo 8-Janaayo.

Hadaadan Labadaas mid samayn,waxaad luminaysa taageerada Bulshada iyo hogaaminta Siyaasada oo aad hada haysato,waxaana kaa faa’idaysanaya kuwa laga adkaaday.

Aaran waad ka adkaatay…

1.Siyaasiyan waad udishay.
2.Milleteri ahaana waad udishay.
3.Sumcad ahaana waad udishay.

Hogaamiyahoodii Maxamuud,waad ka saartay Dowladnimada,waadna ka saartay Garowe,Caawana damaanad qaadka Isimada,ayuu ku soo hoyday.

Muhiimadu waa in Bulshada PL aad Mustaqbalkooda ucadayso si waadixa,mana sii Dhagoolayn kartid hada waxii ka danbeeya ee Jihee oo Afkaaga wax halaga maqlo.

Jibril Qoobey.